Xafsiyadu guud ahaan aduunka oo dhan waxaa lagu arkaraa rag aad u eedeysan ama qirtay danbiyo sida kufsi gabar aysan raali ka aheen, balse waxaa aanan inta badan laga hadlin dumarka kufsiga u geestay ragga ee xabsiyada ku jira, si kastooy layaab ay u tahayhadan dhacdooyin badan ayaa dunida ka dhacay waliba sanadahii u danbeyay, waayahaan danbana sida statistics-ku ay sheegayaan kufsiga dumarka ay u geysanayaan raga sarakac xoog leh ayaa laga dareemaaya, waxana kala duwan qaababka ay dumarka iyo ragga wax u kala kufsadaan,
Raggu marka ay xoog isticmaalayaan, Dumarka xeelada iyo Caqli ayay isticmaalayaan ay raga ku kufsadaan. Waa dhacda naadir ah maxaa yeelay inta badan lama diiwaan galiya dumarka falka kufsiga noocaan ah sameeyo, dadka ayaaba ku qosalaya hadii ay maqlaan dumar ayaa wax kufsaday. laakiin qisadaan soo socota marka aad aragto iyo qaramada midoowe waxay ay ka dhahday waxaad ogaan doontaa kaalinta bulshada ay ku dhax leeyahiin iyo sinaanta jiinsiga ragga iyo dumarka marka ay korodhay waxaa sidoo kale kordhay heerka kufsiga ay dumarka u geysanaayaan ragga aan diyaarka u ahayn.
Warbixin lasoo saaray waxaa lagu tilmaamay sababaha xadgudubyadani galmada keenay in ay tahay kaalinta firfircoonida ay haweenku ka qaataan halganka loogu jiro sinaanta iyo jinsiga iyo xuquqda dumarka, warbixintaana waxay ledahay dumarka booska ragga ayay buxinayaan maadaama jiinsiyaduhu siman yihiin.
Dalka Hindiya 2019 kii ayaa haweeney maseer saneyd waxay ku fakartay ka aargoosi aan caadi ahayn inay ninkeeda ku samayso, wiilal ay saaxibo ahaayeen inta ay ballamisay ayay ninkeedii oo an waxba ogayn ayay wiilashii ku soo dalbatay ninkiina inta la afduubtay ayadana ay raacday ayaa ninkeedii jirdil iyo kufsi banaan ka loogu soo gaystay ilaa dhoor maalmood waana lasoo daayay,
Kadib ninkii wauxu u tagay booliiska wuxuuna u sheegay raggii weerarka ku soo qaday iyo xaaskiisii sida ya ugu soo dalbatay raggani wax kufsada, dhacdadani layaabka noqotay booliiskii baaritaan dheer ka dib dambiilayaashii gacanta ayay ku soo dhigeen waxaana danbiiliayaashii loo gudbiyay maxkamad, Haweneydii falkaani samaysay ee masersanayd waxay wiilashii ay kusoo dalbatay ba waxay maxkamadii kadib ayay qirteen danbigii ay galeen, haweneydiina waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah sidoo kale wiilashiina waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.
Dhacdadani ayaa ahayd dhacda aad loogu xumaaday haweneydanina waxay waqti xaadirkani ay ku eedeysan tahay in ay danbi kufsi ah sameysay sidaana xafsi ayay uga jirtaa.
Sanadkii 2018 wiil 16-jir ah inay macalimadiisii ay ku sameysay ficillo amshax darro ah, iskuul kanina waxuu ku yaala marekanka ardayganina iyo macalimadiisii Katriina oo 29-jir ah waxaa dhaxdoodii ka dhex bilawday bilawgiiba saxibtinimo ka baxsan tan iskoolka, saaxiibtinimadaa oo ugu danbeyn isku badashay in wiilka uu dhibane uu u noqdo macalimadiisii, waxay maxkamada sheegtay in kiiska danbiga macalimadda xiliyada ka baxsan iskuulka waxa ay ardaygani u wadi jrtay hoteelo sidoo kalena gurya ayay si gaar ah u gaysan jirtay, balse ugu danbeen iyagoo fal anshax daro ah ku dhex jiraa lasoo qabtay macalimadiina in ardayga ay ku xad gudubtay ayaa lagu eedeeyay ugu danbeena macalimada waxaa la keenay maxkamada, inay falkanina sameysay way ay qiratay, maxmaduna waxay ku xukuntay Katriina xafsi u dhaxeeya 2 ilaa 15-sano.