Maxay tahay Sababta dhaqan ahaan loo jaro xubinta Hilib-dalqaha(Traditional Removal of Uvula)?
Qormadan kooban kaga bogo.
Hilib dalquhu(Uvula) waa xubin kamida xubnaha jidhkeenna muhiimadda gaarka u leh, kuna yaalla qaybta danbe ee dhan-xanagga(Soft palate). Shaqooyin badanna qabta.
Shantan aan kusoo ururinno muhiimadda uu inoo leeyahay iyo Shaqooyinka uu inoo qabto Hilib-dalquhu
1. In uu ka hor tago kana ilaaliyo in cuntadu u baydho hawo mareenka. Iyada oo dhan-xanagga qaybtiisa danbe(soft palate) iyo hilib-dalquhu hal mar dhaqaaq wada samaynayaan una saamaxayaan in ay cuntadu Hunguriga ama dhuunta cunta mareenka dhanna u dhaafin .
2. Waxa uu ka qayb qaataa hadalka isaga oo xarfaha qaar ku dhawaaqidooda fudeydiya. Luuqadaha qaarna sida luuqadaha Faransiiska, Carabiga iyo luuqado dhawr ah oo galbeedka lagaga hadlona qayb lixaadle ayuu ka qaataa.
3. Waxaa uu soo daayaa candhuuf ama dareere badan taas oo u sahlaysa in cuntadu iyada oo xaydhaysan(Lubricated) ay Hunguriga ama dhuunta si fudud u mari karto. Sidoo kale waxa uu dhuunta ka dhigaa mid marwalba qoyan.
4. Wuxuu ka qayb qaataa habdhiska Difaaca jidhka.
5. Uma ogolaado in cunto ka tan wayn ama qiyaas ahaan ka badan caadiyankii hunguriga marto. Isaga oo dib usoo celinaya ama amar ku siinaya in qaybta danbe ee dhuunta hungurigu is xidho. Kana hortagaya in uu qofku saxdo.
Haddaba su,aasha is waydiinta mudan ayaa ah 'xubinta faa'iidooyinkaas banii'adamka u leh, shaqooyinkanna inoo qabata waa maxay sababta dhaqan ahaan loo jaro'?
Ilaahay kolkii uu abuurayay jidhka banii'adamka marnaba xubin bilaa camal ah oo aan wax shaqo ah hayn ama xaaraan ah kuma abuurin.
Sidaas oo ay tahay bulsho kasta oo dunida ku dhaqan waxa ay leeyihiin dhaqammo u gaar ah oo ay Awoowayaashood ka dhaxleen. Dhaqammadaasi waxa ay noqon karaan kuwo banii'aadamka caafimaad qabkooda wax yeello wayn u gaysan kara iyo kuwo leh faa'iidooyin labadaba. Dunida horumartay baadhitaanno iyo dib u eegis ayay ku sameeyeen kadib dhaqamadii waxyeellada lahaa way ka takhalluseen. Afrika ayay badi dhaqammadan khuraafaadka ahi ka sii jiraan.
Jaridda ama goynta Hilib-dalquhuna waxa uu ka mid yahay dhaqammaadaas khuraafaadka ah ee caafimaadka banii'adamka dhantaalaya ee uu ku waayayo xubin jidhkiisa muhiimad gaar u lahayd oo shaqooyinkaa aynu soo xusnay iyo qaar kaleba u qabanaysay.
Dabcan Soomaalida oo kaliya kuma koobna dhaqankani waddamo badan oo Afrikaana ah sida Niger, Nigeria, Tanzania, Ethiopia, Eriteria, Kenya, iyo Sierra Leone ayaa iyana Soomaalida la wadaaga.
Bar bilawga dhaqankan waxaa looga shakisan yahay in uu Nigeria kasoo bilaabmay sababta oo ah labada qabiil ee dhaqankan aad ka ugu dhaggan isticmaalikiisuna ku badan yahay waa HAUSA iyo ZARMA oo dega Nigeria.
Sababaha dhaqan ahaan loo jaro xubintan way ka siman yihiin dadyawga dhaqankan wadaaga. Waana:-
1. Hurdo yaraan
2. Saxasho badan
3. Yalaalugo badan
4. Qufac joogto ah
5. Matag
6. Shuban
7. Ilmaha yar oo kori waaya sidoo kale naaska jiqi waaya xummad joogto ahna yeesha.
Dhakhtarka dhaqanka ee hilib-dalqaha jaraa waa isla kan Ilko Dacawada saara. Waa dad-qal geed hoostii ama janbiga gidaarada waddooyinka magalooyinka fadhiista.
Ha filanin in qalab la nadiifiyay(Sterilized) uu qalliinkan ku sameeyo. Iska daa nadiifine waa qalab maaroobay ama daxalaystay oo uu sannado badan isticmaalayay oo aanad is odhanayn kan ayaa banii'adam loo isticmaalayaa!. Ka ugu fiicani waa ka biyo kulul dabka u saaran yihiin ee inta uu qalabka ku yara rido kolka uu dhiiggu maydhmo kasoo saaraya kadibna kaga jaraya qofka xiga. .
Waxaa masiibo wayn ah runtii in qalabkan uu dadka u wada isticmaalayo lagu kala qaado xanuuno halis ah oo ay ka mid yihiin:-
1. HIV AIDs
2. Joonis cad (Hepatitis B)
3. Teetano(Tetanus)
4. In dhiiggu sumoobo(Septicemia) oo bacteeria raacdo kadibna qofka dhimasho ku keento.
5. Dhiig bax in uu qofku sameeyo, oo aanu u maaro hayn Dad-qalkan jarayaa. Dhimashana keeni kara.
6. Iyo sidoo kale infekshin dhiigga raaca.
Iyo qaar badan oo kale.
Kolka laga yimaaddo xanuunadaas halista ah ee qalabka lagu kala qaadayo iyo dhibaatooyinkaas uu qofka u gaysanayo dad-qalka jarayaa, Su,aasha kale ee maskaxadaada kusoo dhacaysa ayaa iyana ah: "Waxyeelloo intee leeg ayay u gaysanaysaa in qofku waayo xubintiisii Hilib-dalqaha?"
Dhammaan shaqooyinkii aynu soo sheegnay ee ay xubintani qabanaysay ayaa meesha kabaxaya:-
1. In ay mar walba dhuunta ama hungurigu qallalo taas oo keenaysa in cunto liqiddii ku adkaato qofka.
2. In mararka qaar cuntadu u baydho hawo mareenka iyada oo sababaysa qufac iyo saxasho badan. Mararka qaarna dhimasho keeni karta
🚫 Jooji jaridda Hilib-dalqaha 🚫
GUULEYSTA