Barnmaamijkan oo ah mid ku shaqaynaya Garaadka Macmalka ama Caqliga gacan-ku-samays ka ah (Artificial Intelligence) ayaa ah mid ay soo saartay Shirkadda OpenAI sanadkii 2020.
Waa maxay ChatGPT?
ChatGPT waa barnaamij mashiin Caqli gacan-ku-samays ah ku shaqaynaaya, kaas oo qofka adeegsaduhu ula falgeli karayo sidii qof caadi ah oo waayo arag ah oo kale.
OpenAI waa shirkad Mareykanka ka dhisan taas oo ka shaqaysa baaritaanno qoto dheer oo dhanka horumarinta mashiinnada Caqli ku-samayska ah ku shaqeeya.
8 siyaabood oo aad si cajiib ah wax soo saarkaaga kor ugu qaadi karto adiga oo adeegsanaya ChatGPT
1. Hadii aad tahay arday waxa aad si hufan wax uga baran kartaa barnaamijkan tusaale waxa aad barataa Leadership ka waxana aad rabtaa in aad is tijaabiso waydii ChatGPT toban weydiimood oo ku saabsan Leadershipka, waxa aad xataa ka codsan kartaa in uu kuu saxo warcelimaha!.
2. Ma ku dhiban tahay qoritaanka email-da ?
Hada kadib Waxa aad ku qoran kartaa emailka aad rabto in ka yar 1 daqiiqo adiga oo adeegsanaya barnaamijkan, tusaale ii qor iimayl ka hadlaya codsi shaqo.
3. In badan waxa dhacda in aad dhibsato qoraalada dhaadheer balse hada kadib kuma dhibtoon doontid,
waxa aad kaliya soo copy-garayn doontaa qoraalka kadibna waxaad paste ku dhex odhan doontaa barnaamijka adiga oo ka horaysiinayaa ii soo koob sidaan camal (Summarize).
5. Ma tahay qofku jira Codingka in badana maku wareertay erroro
Hada ka dib waxa aad waydiin kartaa barnaamijku in uu soo saaro meelaha uu ka khaldan yahay code-kaagu sida oo kale sida ugu fiican kuugu habeeyo.
6. Waxyaabaha ugu fiican ee uukuu qaban karo barnaamijku ayaa ah : in uu kuu sharixi karo codekaaga, hadii aad siiso qayb code ah kadib weydiiso in uu kuu sharaxo waxa ay qayb kastaa qabaneso ChatGPT waa uu ku siin doonaa!.
7. Ma tahay qof cilmi baadhe ah oo raba inuu turjumo qoraalo ku qoran luqado kale waxa aad si fudud u weydiin kartaa barnaamijkan in uu kuugu soo koobo luuqada aad rabto.
8. Waxa aad ku qoran kartaa content ama nuxur, kaliya waydii nuxur ku saabsan mawduuca aad rabto tusaale ii qor nuxur ku saabsan Soomaaliya waxa laga yaabaa in aanu sixin 100% balse ay kuu noqoto bar bilaw wanaagsan.
Dhanka kale Ardeyda Jaamacadaha ayaa la kaashan kara laylisyadooda,
Baaritaamada cilmiyeed ah ee ay samaynayaan, iyo sidoo kale weydiimo khuseeya noloshooda khaaska ah. Yacni si kale haddii aan u dhigno ChatGPT waa sida waayo arag mawduuc walba xog waafi ah ka haysta, had iyo goorna diyaar kuula ah talo, fikir iyo jawaab celin intaba.