Maxay ku kala Duwan yihiin Education iyo Knowledge?
Labadan eray ee waxbarasho (education) iyo aqoon (knowledge), waa labo eray oo xidhiidh leh, ase fikrad ahaan kala duwan.
WAXBARASHO (EDUCATION)
Waxbarashadu waa hannaan rasmi ah (formal) oo uu qofku ku kasbanayo aqoon, xirfado, qiyam iyo maan-hag (attitude), hab-kasbashadaasoo leh haykal (staracture) iyo nidaam waxbarineed.
Waxbarashadu, sida caadiga ah, waxaa lagu dhigtaa goobo u gaar ah sida: dugsiyada, iskuullada, macaahidda, jaamacadaha iyo xarumaha tababarka.
Waxbarashadu waxay leedahay manhaj ama nidaam muqararaysan iyo casharro is-xigxiga oo ardayga loogu gudbinayo aqoon, xirfado iyo qiyam. Didaamkaa waxbarasho, waxa uu u qaybsan yahay heerar sida: dugsi hoose, dugsi dhexe, dhugsi sare, iyo aqoon sare oo lagu dhigto jaamacadaha, hadhowna lagu bixiyo shahaadooyin.
Waxrabarashadu waxay u dhisan tahay hab uu macallinku ama baruhu uu hage ka yahay isagoo raacaya didaamkaa waxbaris ee manhaj ka leh.
AQOON (KNOWLEDGE)
Dhanka kale, aqoontu waa wacaal (information), kasmo (understanding) iyo ogaal (awareness) uu qofku ku korodhsaday waxbarsho, waayo-aragnimo, u fiirsasho (observation) iyo dibu-eegis (reflection).
Aqoonta barashadeedu, kaliya kuma koobna nidaamka rasmiga ah (formal), ee sidoo kale waxaa laga helaa ilo kale oo ay ka mid yihiin wax akhriska, wax baadhista, la macaamilka dadka iyo la-fal-galidda nolosha.
Aqoontu badiyaa waxaa lagu helaa is-barid, dhiirragelinta qofka waddana ma aha mid ka timaadda macallinka iyo buundada uu helayee, waa mid qofka gudhiisa ka timaadda oo ku awood siisa inuu baadigoobo wacaalka iyo macluumaadka uu xiisaynayo si madaxbannaan.
Aqoontu, kuma xidhna muddo gaara sida waxbarashada, malaha qiimayn (assessment) iyo imtixaan aad dartii cashar u diyaarinayso, bal e, aqoonta noloshu, marar badan, waxaa la bartaa imtixaanka kadib.
Ugu dambayn, waxa muhiima in qofku had iyo goorraale ku baraarugsanaado in aanay waxbarashadiisu ka hor-istaagin wax-isbariddiisa. Wax barashadu badiyaa maaha mid aad dooratay billowgeedii, oo waxay u badan tahay in waalidkaa ama ehelkaa kugu dareen iskuulka, wax is bariddu se waa doorashadaada.
—Tixraac.......by Mubarak Hadi