inta u badan marka qofku doonayo in uu laptop gato waxa u horeeya ee maskaxdiisa kuso dhaca waa in uu xaqiijiyo processor ka laptopkasi leeyahay madama ay midaasi go,aamiso xawaraha iyo tayada laptopka, dhibka jira se magaca processor ku waa mid dheer oo adag(complicated) si lamida sidas waxa jira waxyaabo badan oy ku kala duwanyihiin, si aad u kala garatid kan awooda hoose leh iyo kan awooda sare leh una gaadhid go'aanka saxda ah intan hoose yan qof dambe ku sheegin ee horey u qaado.
Si aynu iskula fahano aynu tusaale uso qaadano laptop processor kiisu yahay sidan:
•Intel Core i7-8650U.
Qaybta koobad waa magaca processor ka oo loo qaybiyo saddex, qaybta koobad waxa la dhaha processor category waxayna ka koobantahay afar kuwaso ka bilowda Core i3 - Core i5 - Core i7 iyo Core i9, inta tiradu kor u socoto inta tayadu badantahay ama laptopkas xaware badanyahay inta ay yartahayna waa inta uu tayo yaryahay si fudud waxa u tayo yar core-i3 waxana xiligan la joogo ugu tayo badan core-i9.
Processor category waxa inogu xiga nooca jiilka uu yahay(generation number) wuxu badana ka kobanyahay 4 tiro(tusaalihii ku noqo waa halka ay ku qorantahay 8650)
sanad walba waxa so baxa generation imika waxa la marayaa generation 11 inta generation ku koreeyo waa inta laptopkas tayo iyo awood badanyahay hadan ku laabano tusaleheeni processorku waa i7, jiilkuna waa generation kii saddexad madama numberka u horeeya afartii tiro yahay 8.
inta ugu muhiimsan waa xarafka u dambeeya waxa inta badan caan ah oo logu isticmaal badanyahay afar xaraf midwalbana waxa uu gudbinayaa micno gooniya sidan hoose ayayna kala yihiin
Xarafka U: xarafkan oo ahaa kii tusaleheena ugu dambeyay waxa uu utaganyahay "Ultra-low power" wana kan inta u badan laptops ku leeyihiin waxayna ka dhigantahay in awooda processor kagu isdhimayo si una laptopku horey ugu cunin jaarjarka, laptopyada noocan ahi waa kuwa batterygoodu fiicanyahay dabkooduna in badan ku haynayo lakiin si dabkas lo kaydiyo waa in awooda processorku hoos isku dhigtaa.
Xarafka H: waxa loo so gaabsadey "High performance" laptop walba oo processor kiisa h ugu dambayso wuxu cadaynayaa in uu ka tayo iyo awood badanyahay nooci hore ee U.
Xarafka HQ: kan waxa loo so gaabsadey"High performance graphic" waa laptop awood fiican oo leh graphic processor xarafkas dambe ee q iyadana waxay u tagantahay " Quad core"
Xarafka g: waxa uu cadaynayaa in laptopkas leeyahay internal screen card odan u baahnayn inad so iibsato incase aad danaynaysid hadii xarafku yahay f iyadana waxay ka dhigantahay processor kasi malaha internal screen card wadna ku qasbantahay inad uso iibsatid.
So koobis
hadan ku laabano tusaaleheeni ahaa Intel Core i7-8650U: waxay ka dhigantahay processor keenu inuu ahaa i7,jiilkii saddexad(third generation), processor model keenuna yahay 650,xarafka 'u' ee u dambeeyana micno ahaan yahay in laptop keenu kaydiyo dabka(energy saving)
Talo
Hadii aad doonayso inad gadato laptop graphics processor kiisu fiicanyahay iska ilaali in xarafka u dambeeya yahay 'u' taa badalkeeda dooro mid ay u dambayso HK, HQ, ama H
Hadad tahay editor ama qof gaming ka danaynaya isku day inad hubisid in xarafka
udambeeya yahay f ama g sida qoraalka kore ku xusan adigana markas waxa ku anfici doona kan ay u dambayso 'g' madama uleeyahay internal screen card.
GUULWADE CHANNEL